U bood dhigaalka

Puntland Oo Lagu Eedeeyay In Ay Hurineyso Dagaalka Gobalka Gal-gaduud (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Puntland okDegmooyin ka mid ah gobalka Gal-gaduud waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamo ka kala tirsan dowladda Federaalka iyo Ahlu-sunna Waljameeca kaa oo sababay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Inkastoo weli aan wax xal ah laga gaarin dagaaladaan, waxaa hadana Aqoonyahan lagu magacaabo Mustaf Nuur Guuleed kana soo jeeda Gal-mudug uu dagaalka ku eedeeyay in maamulka Puntland ay sii hurinayaan.

Wareysi uu siiyay Goobjoog Fm, ayuu ku sheegay in ogyahay dagaalkaan lug ay ku leedahay maamulka Puntland, dhaqaalane ku bixinayaan waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Aniga waxaan xog ogaal u ahay in dagaalkaasi dhaqaale ay ku bixinayso Puntland, taa oo ay uga jeedo in aan la furin dekada Hobyo, lana dhisin maamul loo dhan yahay” ayuu yiri Mustaf Nuur Guuleed

Dhanka kale waxa aynu xiriir la sameenay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta maamulka Puntland, si aynu wax uga weydiino eedaan loo soo jeediyay hase ahaatee waa ay ka gaabsadeen.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News