U bood dhigaalka

Puntland Oo Lagu Eedeeyey Hurinta Colaadda Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Wasiir ku xigeenkii hore ee warfaafinta maamulka Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa hoggaanka Puntland ku eedeeyay inay ka dambeeyaan hurinta colaadda Gaalkacyo.

Falagle oo hadda ku nool dalka UK ayaa u sheegay Goobjoog News in Puntland ay doonayso in wax nabad ah aysan ka hirgelin magaalada Gaalkacyo.

Wuxuu sheegay in maamulka Puntland dhowr jeer la weydiistay in laga wada hadlo colaadda islamarkaana ay diideen..

Madaxweynaha Puntland ayuu ku dhaliilay in uu qeyb ka yahay hurinta colaadaha magaalada Gaalkacyo isagoo tilmaamay in dano siyaasadeed uu ka leeyahay waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Colaadda Gaalkacyo madaxda Puntland baa wax ka hurinyesa, iyagaa diidan nabaddii loo raadinayey Gaalkacyo, waxay doonayaan iney siyaasadeeyaan dagaallada, maalin walbana waxay ka shaqeeyaan wax dadka kusii kala fogaanayo” Falagle ayaa sidaasi yiri.

Goobjoog News ayaa isku dayday iney xiriir la sameyso dhanka Puntland si aan wax uga weydiinno eedeynta dhankooda loo jeediyey, hase ahaatee ma aaney inoo suurtagelin.

Magaalada Gaalkacyo waxaa ka dhacay dagaallo u dhaxeeya maamullada Puntland iyo Galmudug, waxaana dagaalladaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Goobjoog News