U bood dhigaalka

Puntland Oo Markale Qaad Ku Gubtay Magaalada Boosaaso

Sheeko:Dalka

Ciidanka booliska gobalka Bari ayaa xalay meel fagaare ah waxa ay ku gubeen qaad la sheegay in si dhuumaalaysi loo soo galin rabay xarunta ganacsiga maamulka Puntland ee Boosaaso.

Qaadkaan ayaa waxaa lagu soo qariyay jawaano waxaana ciidanka booliska gobalkaasi uu suura gashay in ay gacanta ku dhigaan qaadkaasi wallow ilaa haatan aan la sheegin in la soo qabtay dadkii qaadkaasi watay.

Taliyaha qeybta gobalka Bari gaashaanle sare Xussen Cali Maxamuud oo ka hadlay goobta ayaa hoosta ka xariiqay in cidkasta oo isku dayda in ay si dhuumaalaysi ah qaad ku soo galiyaan deegaanada maamulka Puntland ay gacanta ku soo dhigi doonaan, waxa uuna taliyuhu mahadcelin u jeediyay ciidanka booliska gobalkaasi.

31-kii Maarso ayey sidan oo kale ciidanka booliska waxa ay magaalada Boosaaso ugu gubeen qaad magaaladaasi la soo galin rabay xilli dowlad goboleedka Puntland ay horey deegaanadeeda uga mamnuucday in la soo galiyo qaad inta uu socda xanuunka safmarka ah ee Coronavirus.

Waxaa sidan oo kale magaalooyinka qaar ee dalka loogu gubay qaad inta badan ka imaanayay dalka Itoobiya, xilli dowladda ay sheegtay in la doonayo in la sameeyo dadaalo looga hortagayo COVID-19.

Goobjoog News