U bood dhigaalka

Puntland Oo Markeeda Dagaalkii Gaalkacyo Ku Eedeysay Galmudug

Sheeko:Dalka

Wasiirka daaqa iyo degaanka ee maamulka Puntland ayaa ka hadlay dagaalkii shalay ka dhacay galbeedka magaalada Gaalkacyo oo Galmudug ay sheegtay in Puntland ay weerarka soo qaaday.

Wasiir Cali Cabdullaahi Warsame  oo shir jaraa’id ka hadlayay magaalada Gaalkacyo wuxuu sheegay in Puntland dagaalka lagu soo qaaday.

Wasiirka degaanka Puntland ayaa ku eedeeyay masuuliyiin ka tirsan wasiirrada Galmudug oo Gaalkacyo ku sugan inay dabada ka riixayeen dagaalkaasi.

“Dagaalkaasi waxaa uu ahaa mid ay dabada ka riixayeen wasiirro ka tirsan Galmudug sida wasiirka Amniga waxaana lagu soo qaaday Puntland, waxa weeye dagaalka ka qeyb galay ciidamo ka tirsan NISA iyo malleeshiyo beeleedyo” ayuu yiri wasiirkani.

Puntland ayaa sheegtay in dadaallo ay u galeen xalinta dagaallada Gaalkacyo in ay hor istaagtay Galmudug, islamarkaana dhankooda ay soo gudbiyeen liis odayaal ah oo loo xil saaray xalinta dagaalka galbeedka Gaalkacyo.

Hadalka wasiirka daaqa iyo degaanka Puntland oo u badnaa dhaliil iyo eedeyn uu u jeedinayo dowlad goboleedka deriskooda ah ee Galmudug ayaa ku soo aadaya xilli xaaladdu maanta oo Jimco ah ay tahay mid deggan.

Ugu dambeyntii, maalintii shalay ahayd wasiirka Dekadaha iyo gaadiidka Galmudug oo ka hadlay Gaalkacyo Burhaan Warsame Cigaal ayaa sheegay in dagaallada galbeedka Gaalkacyo ay soo qaaday Puntland islamarkaana Puntland diidan tahay nabad ka dhalata gobolka Mudug.

Goobjoog News