U bood dhigaalka

Puntland Oo Maxkamadeyneysa Dhallinyaro Kufsi Ka Geystay Goldogob, Mudug

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa sheegay in maxkamad ay soo taagi doonaan Lix dhallinyaro ah oo ku eedeysan iney Kufsi ka geysteen degmada Goldogob ee gobolka Mudug, sidoo kale dhibaatooyin kale ay soo gaarsiiyeen gabadhii ay kufsadeen.

Maxamed Cali Faarax, Agaasimaha wasaaradda Cadaaladda iyo arrimaha diinta ee maamulka Puntland ayaa saxaafadda u sheegay in marnaba aysan aqbali doonin in kiiska dhallinyarada wax kufsatey lagu dhameeyo xeer dhaqameed ama wax lamid ah.

Waxa uu sheegay in dhammaan dhallinyaradan  ay ku xiran yihiin saldhigga degmada Goldogob ee gobolka Mudug, islamarkaana sida sharciga uu qabo la marsiin doono dhammaantooda.

“Annaga waan diidnay in Kiiskan ay galaan Odoyaasha dhaqanka ah, waxaan dooneynaa in maxkamad lasoo taaago raggii falkaasi ka dambeeyey, islamarkaana wixii sharciga uu qabo la waafajiyo” ayuu yiri agaasimaha.

Dhallinyaradan Kufsiga geystay ayaa falkaasi kadib la sheegay iney Mindi ku  dhaawaceen gabadhii ay kufsiga kula dhaqaaqeen.

Goobjoog News