U bood dhigaalka

Puntland Oo Qorsheenaysa Ka Hortagga Aafooyinka Abaaraha

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay qorsheynayaan ka hortagga aafooyinka abaaraha ee ka dhaca deegaannada maamulkaasi iyagoo kaashanaya dowladda dhexe.

Wasaaradda qorshaynta iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Puntland iyo Hay’adda maareynta masiibooyinka Puntland ee HADMA oo kaashanaya wasaaradda qorshaynta Soomaaliya ayaa Garoowe ku qabtay kulan looga hadlayey u adkaysiga abaaraha.

Qorshahani oo ay taageerayso xukuumadda Soomaaliya ayaa ulajeedkiisu wuxuu yahay dejinta siyaasadda u adkaysiga afooyinka Puntland, xilli deegaannada Puntland ay dhawaan ka dhacday abaar dadka iyo duunyada aad u saamaysay.

Abaartaasi waxaa ku naf waayay dad iyo duunyo markii ay heli waayeen biyo ay cabaan iyo wax ay cunaan intaba.

Agaasimaha Hay’ada maaraynta Masiibooyinka maamulka Puntland ee HADMA Cabdullaahi Xaashi Cayroow, ayaa sheegay inay muhiim tahay in la sameeyo kayd lagu xisaabtami karo oo looga hortagayo saamaynta abaarta iyo dhacdooyinka kale ee dabiiciga ah.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Puntland Siciid Faarax Maxamuud, ayaa isna sheegay in barnamaijkaani uu yahay qorshaha kaliya ee looga hortegi karo saamaynta abaaraha.

Xilliyada ay abaarta dalka ka dhacdo waxay aad u sameeysaa dadka iyo duunyada, mana jirto dhigaal looga maarmo xaaladda abaareed ee markaasi jirta.

Goobjoog News