U bood dhigaalka

Puntland oo Shaacisay Natiijadii Ka Soo Baxday Baaritaankii Dad Ay u Karaantiishay Xanuunka COVID-19

Sheeko:Dalka

Dowlad goboleedka Puntland ayaa waxa ay shaacisay natiijada ka soo baxday baaritaan ay ku sameysay dad ay dhowaan magaalada Garoowe ku karaantiishay kuwaas oo looga shakiyay in ay qabaan xanuunka Coronavirus.

Warbixin uu soo saaray guddigga Puntland u qaabilsan ka hortagga caabuqa COVID-19 ayaa waxa ay ku xaqiijiyeen in dhamaan dadkii laga baaray xanuunkaasi ay yihiin kuwa aan qabin cudurka islamarkaana waxa ay guddigu ka dhawaajiyeen in sidoo kale aysan jirin wax kiisas cusub ah oo laga helay deegaanada maamulka Puntland.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in la sii wadi doono awaamiirta la xiriirta in aan la isku imaan iyo in deegaanada Puntland aan la soo galin qaad, waxaana shacabka loo jeediyay in ay raacaan talooyinka ka imaanaya guddigga ka hortagga COVID-19,  wasaaradda caafimaadka iyo baaqyada caalamiga ah.

Ugu dambeyn guddigu waxa uu shacabka reer Puntland meelkasta oo ay joogaan ka dalbaday in ay ka qeyb qaataan sanduuqa taakulada iyo ka hortagga Coronavirus.

Halkan ka akhriso qoraalka ay soo saareen guddiga

Goobjoog News