U bood dhigaalka

Puntland Oo Shaacisay Xilliga La Aasi Doono Meydka Jeneraal Cadde Muuse

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa shaaciyey xilliga la aasi doono meydka Allaha u naxariistee madaxweynihii hore ee maamulkaasi Jeneraal Cadde Muuse, oo Arbacadii lasoo dhaafay ku geeriyoodey dalka isku tagga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay in maalinta Talaadada ah magaalada Boosaaso lagu aasi doono marxuumka.

Jeneraal Cadde Muuse ayaa maalmihii ugu dambeeyey kahor geeridiisa ku xanuunsanayey dalka Isku tagga Imaaraadka Carabta, iyadoo xanuunkiisa halka uu ku badnaa si rasmi ah aan loo sheegay.

Allaha u naxariistee Jeneraal Cadde Muuse ayaa ka tirsanaa saraakiishii hore ee ciidanka xoogga dalka, waxaana sidoo kale uu soo noqday madaxweynaha maamulka Puntland.

Goobjoog News