U bood dhigaalka

Puntland oo Sheegatay Iney Khasaare Gaarsiiyeen Somaliland

Sheeko:Amniga

Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa ka warbixisay dagaal saakay ka dhacay deegaan hoos yimaado gobalka Sanaag, oo ay kuwada dagaalameen ciidamo ka kala tirsan Somaliland iyo dowlad gobaleedka Puntlanad.

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta dowlad gobaleedka Puntland ayaa lagu sheegay in duulaan ay ciidamada Somaliland aroornimadii hore ee saakay ku soo qaadeen deegaan lagu magacaabo Kadhada oo 18km u jira deegaanka Yube ee oo ka tirsan gobalka Sanaag.

Waxaa kale oo lagu xusay warsaxaafadeedka in ciidamada Puntland ay dagaalkii saakay dhacay khasaare ay ku gaarsiiyeen ciidamada Somaliland, Puntland ayaana sheegtay in maxaabiis gaarayo 50 askari oo ka tirsan ciidamada Somaliland ay ku qabteen dagaalkii saakay ka dhacay gobalka Sanaag.

Sidoo kale dowlad gobaleedka Puntland ma uusan shaacin khasaare dhimasho ama dhaawac ah oo ka soo garay dhankooda dagaalka, waxaana ay sheegtay in dagaalkii saakay dhacay gobalka Sanaag ay mas’uuliyadiisa ay qaadeyso Somaliland waa sida lagu sheegay warsaxaafadeedka maanta ka soo baxay Puntland.

Halkaan Ka akhriso

 

 

Goobjoog News