U bood dhigaalka

Puntland Oo Sheegtay In Dagaalyahanno Ka Tirsan Al-shabaab Ay Ku Dishay Gobolka Mudug

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa sheegay in  ciidankooda ay weerar ku qaadeen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo ay sheegeen iney isku uruursanayeen deegaanka Jeexdin ee gobolka Mudug, waa sida ay hadalka u udhigeenne.

Isu duwaha wasaaradda warfaafinta Puntland ee gobolka Mudug Cabdinaasir Badel Khaliif oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidankooda gaarka u tababaran ay weerar ku qaadeen halkaasi.

Wuxuu tilmaamay in halkaa ay ku dileen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab, isaga oo sheegay in halka weerarka ay ku qaadayeen lagu diyaarinayey weerar Al-shabaab kusoo qaadaan  magaalada Gaalkacyo.

Weerarkii xalay waxaa ka qeybqaatay diyaarado dagaal oo la sheegay in Maraykanka leeyahay, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare xooggan.

Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug oo iyana warbaahinta la hadlay waxay sheegeen in weerarkii Jeexdin lagu qaaday saldhig ay ciidanka Galmudug ku lahaayeen halkaasi, islamarkaana waxyeello ay soo gaartay ciidamo iyo sidoo kale dad shacab ah.

Deegaanka Jeexdin ayaa ka mid ahaa deegaannada ay ku dagaallami jireen maleeshiyaadka kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug, deegaankaasina horay uguma sugneen dagaalyahanno Al-shabaab ah.

Goobjoog News