U bood dhigaalka

Puntland oo Sheegtay in Gacanta Lagu Dhigay Xubin Ka Tirsan Daacish Halka La Dilay Mid Kale

Sheeko:Amniga

Ciidamada BSF dowlad goboleedka Puntland ayaa  sheegay howlgal subaxnimadii saakay ka dhacay magaalada Bosaso ee Gobolka Bari ay ku dileen xubin ka tirsan kooxda Daacish ka dib  dagaalamayaal ka tirsan iyo ciidamada Puntland ay saakay ku dagaalameen gudaha magaalada.

Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka PSF Puntland , ayaa lagu sheegay in hawlgalkaasiintii uu socday lagu dilay  xubin ka tirsanaa Daacish waxaan sidoo kale qoraalka lagu xusay in  nolosha lagu qabtay isagoo dhaawac ah madaxii kooxda Daacish u qaabilsanaa dilalka iyo qaraxyada gobolka Bari, inkastoo magacyada xubahaan Daacish ka tirsanaa uusan talisku shaacin

Intii hawlgalku socday,waxay ciidanka PSF dileen xubin ka tirsan Amniyaatka Daacish,waxayna dhaawac u geysteen nololna ku soo qabteen sarkaal sare oo ka tirsan Amniyaatka cadowga Daacish,kaas oo ahaa madaxii dilalka iyo qaraxyada u qaabilsanaa cadowga Daacish ee gobolka Bari,kaas oo ay xogtiisa ciidanku ku raad-joogeen.” ayaa lagu yiri qoraal PSF.

Qoraalka ka soo baxay ciidamada BSF ayaa sidoo kale lagu sheegay, in ciidanku hawlgalkaasi ku qabteen gaari lagu soo xiray waxyaabaha , oo ay wateen xubnahan ka tirnaa  Daacish, kaasi oo la soo saaray  hub iyo qaraxyo la doonayay in waxyeello loogu gaysto shacabka Boosaaso sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay taliska ciidamada BSF dowlad goboleedka Puntland

Sidoo kale, intii hawlgalku socday waxay ciidanka PSF fashiliyeen oo ay soo qabteen qarax cadowgu gaari ku soo xireen oo ay doonayeen in ay ku waxyeelaan shacabka magaalada Bosaso.” ayaa lagu soo koobay qoraalka taliska BSF dowlad goboleedka Puntland

Hadalka ka soo baxay taliska ciidamada BSF dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo howlgallo ammanka lagu sugayo ciidamada ay muddooyinkii la soo dhaafay ay ka wadeen magalaada Bosaaso ee gobolka Bari iyaga subaxnimadii saakay howlgal ku soo qabtay gaari lagu soo xiray walxaha qarxa iyo hub waxaana ciidamadu sheegeen in gacanta lagu dhigay rag la socday gaarigaasi.

Goobjoog News