U bood dhigaalka

Puntland oo Sheegtay in Shaqsi Looga Shakisanaa Coronavirus uu Geeriyooday

Sheeko:Caafimaadka

Guddiga ka hortagga xanuunka COVID-19 ee maamulka Puntaland ayaa waxa ay sheegeen in shaqsi dhowaan looga shakiyay in uu qabo cudurka Coronavirus uu xalay ku geeriyooday deegaannada maamulkaasi.

Qoraal ka soo baxay guddigga ayaa lagu sheegay in shaqsi geeriyooday aan wali la helin natiijada baaritaankii lagu sameeyay mana uusan guddigu shaacin magaalada uu qofkaasi ku geeriyooday.

Dhanka guddiga ayaa qoraalkooda waxa ay kaga dhawaajiyeen in 9 ruux shalay loo karaantiilay COVID-19 ka dib markii looga shakiyay xanuunka waxaana ay intaas ku dareen in sagaalkaasi qof laga baari doono cudurka.

Ugu dambeyn waxaa bukaaada loogu baaqay inaysan guryahooda ka soo bixin inta xaaladooda caafimaad ay ka soo hagaagayso si bulshada kale ee bad qabta uusan ugu faafin xanuunka.

Halkaan ka akhriso qoraalka guddiga

Goobjoog News