U bood dhigaalka

Puntland Oo Sheegtay Iney Soo Afjareyso Dagaallada Ka Dhanka Ah Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa sheegay in dhowaan ay soo afjari doonaan dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab iyo Daacish oo mararka qaar ka dhaca qaar kamid ah deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo.

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo saxaafadda kula hadlay magaalada Boosaaso ayaa sheegay in iyaga oo isku tashanaya dad ahaan, dhaqaale iyo ciidanba ay soo gebogabeyn doonaan dagaallada ay kula jiraan waxa loogu yeero argagaxisada.

Waxa uu tilmaamay in ciidamada Puntland ay ku guuleysteen dhowaan in degmada Qanadala ay ka saaraan Daacish, inta harsanna ay ka saari doonaan deegaannada mamaulkooda ka arrimiyo.

“Waa wax aad u wanaagsan in ciidamada Puntland ay amnigooda ilaalsadaan, la dagaallamaan cadowga, waxaan u hambalyeenayaa ciidamadii ku guuleystay in Daacish ay ka saaraan Qandala, waxaan sidoo kale halkan ka sheegayaa in inta harsan cadowga la dhameystiri doono oo aan ka saari doonno dhulkayaga” ayuu yiri Gaas

Ciidamada Puntland ayaa sanadkii tagey ee 2016 waxay dagaallo culus la galeen ciidamo ka tirsan Al-shabaab oo weerar ku qaadey Mudug iyo Nugaal iyo sidoo kale ciidamo ka tirsan Daacish oo iyaguna weeraray degmada Qandala ee gobolka Bari.

Goobjoog News