U bood dhigaalka

Puntland Oo Sheegtay Sababta Ay u Baajiyeen Kulan Ay Ku Madal Sanaayeen Wasiir Jamaal Iyo Xaliimo Yarey

Sheeko:Dalka

Wasiirka warfaafinta dowladda Puntland, Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa maanta ka hadlay xayiraadka xagga shirarka iyo la hadalka bulshada oo ay maamulkooda ku soo rogeen mas’uuliyiinka ka socda dowladda federaalka ah.

Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo saxaafadda kula hadlayey Garoowe ayaa intaasi raaciyey inay hakiyeen kulankii Wasiirka qorsheynta federaalka  Jamaal Maxamed  iyo Xaliimo Yarey oo ah guddoomiyaha guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka kadib markii iyagoo aan cidno wargelin ay doonayeen inay shirar ku qabsadaan Garowe

Wasiirka warfaafinta dowladda Puntland, Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo arrintaas ka hadlayo waxuu yiri  ‘Halkaan Garowe, waxaa noogu yimid, wasiirkii qorshaynta ee dowladda federalka, wuxuu u yimid inuu u tartamo buuxinta xubin xildhibaan, kama xumin  inuu yimaado maadaama ay tahay deegaankii laga doortay, laakiin, waxaanu qalad u aragnaa inuu Garowe ku qabto shirar aanu la socon maamulka kanasoo horjeeda go’aanada shirkii Kismaayo.”

Waxaa uu sheegay in illaa laga heshiiyo aysan ogolaan doonin in Puntland iska soo gasho oo ay shirar ku qabsato sida uu yiri“Illaa laga heshiiyo oo laga dhaqan geliyo heshiisyadii horay, halkan cidii iska soo gashay oo shirar isaga qabsado waxay noqoneysaa cid dhibaatada dalka qeyb ka ah”.

Kulanka oo shalay baaqday, waxaa lagu qaban lahaa hoolka Jaamacadda PSU Garoowe, Wasiirka Qorsheynta Xildhibaan Jamaal ayaa ku balansanaa inuu ka hadlo deeqaha Caalamiga ah ee Soomaaliya hesho iyo sida loo maamulo.

Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) oo ah guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer Qaran ayaa ka hadli laheyd  geedi socodka doorashooyinka Soomaaliya 2020.

Goobjoog News