U bood dhigaalka

Puntland Oo Shirkad Shiino Ah La Gashay Heshiis Dekad Oo Laga Dhisayo Eyl

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni  oo ku sugan Beijing  ayaa heshiis lagu dhisayo dekad la saxiixday shirkad Shiinees ah oo lagu magacaabo  iyo wafti balaaran oo CCECC, arrintan ayaa imaaneysa sanad kadib markii uu baarlamaanka ansixiyey  ”Xeerka Dhowridda gobanimada iyo midnimada geyiga Soomaaliya” ee lagu ceyriyey  DP World.

Waftiga Madaxweynaha oo uu ku jiraan wasiiradda wasaaraddaha duulista hawada iyo, Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda, Ganacsiga, iyo Tamarta, biyaha iyo macanta ayaa waxaa ay shir la qaateen Madaxda ugu sareeysa Shirkada CCECC, kulankaas oo lagu kala saxiixday fulinta mashaariic horumarineed oo ay shirkaddu ka fulin doonto Puntland

Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland Faarax Cawaash iyo Madaxa Shirkada CCECC ayaa kala sixiixday dhismo deked kalluumaysi oo casri ah oo shirkaddu ka hirgalinayso degmo Eyl ee gobolka Nugaal, taasi oo horumarinaysa ka faa’iidaysiga khayaraadda badda.

Shirkada CCECC oo xarunteeda weyn ay tahay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha ayaa hore u dhistay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, haddana waxa ay Puntland ka waddaa mashariic horumarineed oo ay ugu horeeyaan garoonka diyaaradaha Gaalkacayo iyo wadada Eyl-Dangorayo ee gobolka Nugaal.

Waxaa xusid mudan in Puntland ay horay heshiis dekad ula gashay shirkad Imaaraad ah ee shirkadda DP World, heshiiskaas uu baa’biyey baarlamaanka federaalka ah.

Goobjoog News