U bood dhigaalka

Puntland Oo Soo Gababagabeysay Doorashada 12 Xildhibaan

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta magaalada Garoowe lagu soo gabagabeeyay doorashada 12 xildhibaan, waa qeybtii ugu horeysay ee 35 Xildhibaan oo Puntland u matali doona Baarlamaanka Federaalka ah.

Xildhibaannada La doortay waxaa ay kala yihiin:

Kursi 1aad: Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa noqday xildhibaanka ugu horreeya ee aqalka hoose, waxaana uu helay 49 cod, isaga oo ka guuleystay C/rashiid Xasan Yuusuf  oo helay 1-cod, wanaa maqnaa nin xanuunsan.

Kursiga 2aad: Saciid Daahir oo helay 44 waxaa uu ka guuleystay Faadumo Ismaaciil Bootaan oo heshay 7 cod

Kursi 3aad: Cumar ismacil waaberi 28 ayaa ku guuleystay kadib markii uu ka adkaaday Maxmed cabdi cusmaan 22 cod, Dr. Cusman Cabdi Maxmud 1 cod

Kursi 4aad: Cilmi Cumar Diini oo 27 ayaa ku guuleystay,  Abdiraxman Axmed Maxamud 24 ayaa kursigan ka  helay, Zakriye

Kursiga 5aad: Axmed Ismaciil Xaaji ayaa 38 cod ku guuleystay, Imaan Maxamed Canshuur 12 cod

Kursiga 6aad: Maxamud Xayir ibraahim ayaa ku guuleystay kursigii 6-aad, si cod aqlabiyad le ah, Xayir waxaa la Tartamayay Abwaan oo Wasiir Hore ka soo Ahaa Puntland, wuxuuna heley 12-Cod Iyo Abdixaafid Cali Yusuf Ahaa Gudoomiyihii hore ee Gobolka Bari Wuxuuna Heley 2-Cod Kaliya.

Kursiga 7aad: Cabdinasir Saciid Muuse oo 26 cod helay ayaa ku guuleystay isagoo ka adkaaday Maxamed Saciid Saalix oo helay 17 cod, Cabddiraxmaan Maxamed oo helay 3 cod iyo Cabdulahi Maxamed Ciise oo helay hal cod.

Kursiga 8aad: Dahir Xaaji Geele ayaa ku guuleystay, waxaa uu helay 46 cod.

Kursiga 9aad: CabdirashiId Maxamed Xasan ayaa Ku guleystay oo helay 27 cod

Kursiga 10aad: waxaa helay Cali Farax Daahir oo helay 42 codec

Kursiga 11aad: C/casiis Maxamed Maxamud ayaa ku guuleystay 38 cod, Maxamed Kulane 10, Saciid Faarax 13,

Kursiga 12aad: Cabdulahi Bile Nur ayaa ku guuleystay 39, Axmed Cali Xirsi 10, 2 cod ayaa xumaaday.