U bood dhigaalka

Puntland Oo Soo Saartay Amarro Amniga Lagu Sugayo

Sheeko:Dalka

Guddiga difaaca Puntland ayaa soo saaray ammarro ku aadan sugista amniga, gaar ahaan magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal.

Qoraal kasoo baxay guddigan ayaa lagu sheegay in marnaba aanay gaadiidka shacabka ah ee yar yar tagi karin deegaanka Tukarraq ee ay ku dagaallameen ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland.

Sidoo kale, waxaa la mamnuucay in aagga Garoowe ay usoo gudbaan gaadiidka shidaalka wada, lana baaro sidoo kale dhammaan gaadiidka soo galaya magaaladaasi.

Shacabka ayeey sheegeen guddiga in aanauy tagi karin goobaha dagaalka ee aagga Tukarraq, ciidankana waxaa lagu amray in shacabka soo eryaan.

Halkaan hoose ka akhriso: