U bood dhigaalka

Puntland Oo Taageertay Go’aankii Maamulka Jubbaland Ka Qaatay Dowladda Federaalka

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa maanta soo saaray war-saxaafadeed uu ku taageerayo go’aanka maamulka Jubbaland ka qaatay dowladda Federaalka ah, dhinaca kalena waxa ay cambaareeyeen Mooshiinkii shalay loo codeeyay ee ka dhanka ahaa golaha wakiilada Jubbaland.

War-saxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in mooshinkaasi uu ahaa mid sharci darro ah, islamarkaana ka maamul ahaan kasoo horjeedaan.

Halkaan hoose ka akhriso War-saxaafadeedka Puntland.

Go'aanka Puntland

Goobjoog News