U bood dhigaalka

Puntland Oo Taageertay Maamulka Bakool Sare

Sheeko:Dalka

Kulan ay yeesheen golaha wasiirada maamulka Puntland oo uu shir gudoominayay madaxweynaha maamulkaasi Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu taageeray maamulka Bakool Sare oo dhawaan lagu dhawaaqay.

Kulankaasi ka dib ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen waxay ku sheegeen in taageero buuxdo u muujinayaan maamulka Koonfur Galbeed.

“Golaha xukuumadda Puntland waxay taageero u muujiyeen maamulka Bakool sare ee ka kooban degmooyinka Ceelbarde, Yeed iyo Aato iyo madaxda maamulkaasi, sidoo kale golaha xukuumadda Puntland waxay wax wanaagsan ku tilmaameen in shacabka ku dhaqan deegaankaasi ay ka tashadaan masiirkooda maadaama ay qadarin iyo mudnaan ka waayeen maamulka jaarka la ah (Koonur Galbeed), lana ixtiraami waayey doorkoodii ay ku lahaayeen deegaankaasi” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka kasoo baxay Puntland.

Maamulka Bakool Sare ayaa dhawaan looga dhawaaqay degmada Ceelbarde ee gobalka Bakool, waxaana maamulkaan la sheegay inuu yimid ka dib markii dadka ku dhaqan deegaadana maamulkaasi ka arrimin doono ay xuquuqdoodii ka waayeen maamulka Koonfur Galbeed.

Puntland

Goobjoog News