U bood dhigaalka

Puntland oo War Ka Soo Saartay Doorashooyinka 2021, eedeyna u Jeedisay Dowladda Federaalka Ah

Sheeko:Dalka

Warsaxaafdeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa waxaa looga hadlay doorashooyinka dalka ku soo wajahan sanadka 2021 waxaana sido kale warsaxaafadeedkaas eedeyn loogu jeediyay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya.

Puntland waxa ay sheegtay ahmiyadda ay leedahay inay dalka ka dhacdo doorasho lagu wada qanacsanyahay iyada oo dowladda dhexe ku eedeysay inaysan ka soo jawaabin gogoshii ay dhigeen kaas oo la doonayay in lagu heshiisiiyo madaxda qaranka.

Dhanka kale wasrsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu xusay in Puntland ay soo dhoweynayso baaqii ka soo baxay guddoonka aqalka sare ee ku aaddanaa in guddi loo xilsaaro xalinta khilaafaadka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo kuwa xubnaha ka ah waxaana Puntland ay ku baaqday in ugu dambeyn shirkaas wadatashi ah la qabto 20 June.

Qoraalka ka soo baxay maamulka Deni oo dheera ayaa ugu dambeyn waxaa looga digay in dhageysiga baarlamaanka ee guddiga doorashooyinka ay ka dhalato talo bixinno baarlamaania ah oo ay sheegeen inay sababi karto kala fogaansho iyo xasilooni darro siyaasadeed.

Halkan ka alhriso warsaxaafadeedka ay soo saartay Puntland

Goobjoog News