U bood dhigaalka

Puntland Oo Waxba Kama Jiraan Ku Sheegtay In Amni Aanu Ka Jirin Deegaanadeeda

Sheeko:Dalka

Madaxweyne kuxigeenka maamulka Puntland ahna kusimaha madaxweynaha Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey oo khudbad kajeediyey shir looga hadlayey barnaamijka horumarinta degmooyinka Puntland oo Garoowe ka dhacay ayaa ka hadlay ammaanka guud ee Puntland iyo dib udhaca shaqooyinkii Hay’adaha Qaramada Midoobey ee Puntland.

Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa ugu horayn sheegay in Puntland ay horumar ka samaysay horumarinta degmooyinka, wuxuuse xusay in Hay’aduhu ay sanadkaan ka gaabiyeen shaqooyinkii ay Puntland ka hayeen, Isagoona madaxda degmooyinka ku adkeeyey inay soo gudbiyaan wixii ka baaqday si dowladdu u dabagasho.

Dhanka kalena madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa sheegay inay jiraan Hay’ado gabaad ka dhigta in ammaanka Puntland uusan wanaagsanayn, taasi oo uu sheegay in ciddii baahisay lagala xisaabtami doono, wuxuuna sheegay inaan la aqbali doonin cabsi gelinta dadka shaqaynaya.

“Waxaan u sheegeynaa in mar kale aan Nabad galyo xumo ayaa dalka ka jirta lagu gamban, hay’adii amni xumida jirta sheegta iyadaan ka dooneynaa inay inoo sheegeen amni xumida jirta iyo meesha ay ka jirto, laakiin hadii ay sheekadoodu tahay waxaan idiin siinno waan idiin ku xukumeennaa taas annaga ayeey noo taalaa jawaabteeda’ ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Hay’ado samafal ah kana howlgalayay deegaanada uu ka arrimo maamulka Puntland ayaa qaarkood sameeyay shaqo gaabin ka dib markii ay sheegeen in amniga deegaanadaasi aan la’isku halayn karin.

Goobjoog News