U bood dhigaalka

Puntland Oo Weerar Ku Ah Deegaanno Hor Leh Oo Ay Ku Sugan Yihiin Al-shabaab Iyo Daacish

Sheeko:Dalka

Wasiirka warfaafinta maamulka Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo  wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay ka go’an tahay sidii ay ula dagaallami lahaayeen Xarakada Al-shabaab iyo Daacish.

Waxa uu sheegay wasiirka in duqeyntii ka dhacday gobolka Bari ay daliil u tahay in Puntland ay wax walbo kula dagaallami doonto Daacish iyo Al-shabaab waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Annaga Puntland haddii aan nahay argagaxisada ha ahaadeen Al-shabaab ama Daacish meel walbo ay joogaan dagaal baan ugu taagannahay iyo umadda Soomaaliyeed inaaney dhibaateen, kuwa Muqdisho dadka ku qarxinaya iyo meelaha kale weeye, annagane waxa weeye waligeenba waan la dagaallameennay hadane Puntland wey la dagaallameysaa haddii ay diyaarado tahay iyo haddii ciidanba tahay waa lagula dagaallamayaa, umadda reer Puntland waxaan leenahay wixii horumarka Puntland hortaagan isku aragti bay ka yihiin” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Puntland

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay rajeynayaan dhowaan in howlgallo isugu jira cir iyo dhulba ay ka fuliyaan deegaanno kale oo ka tirsan Puntland.

“Meello kale ayaa rajeeneynaa inaan ragagaxisada kala dagaalanno, shacabka Puntland waxaan leennahaya waa inaad ciidamadiina iyo xukuumaddiina gacan siisaan si loola dagaallmo nimankaasi shar wadayaasha ah” ayuu yiri wasiirka.

Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab iyo kuwo la magac baxay Daacish ayaa ku sugan deegaannada buuraleyda ah ee Puntland.

Goobjoog News