U bood dhigaalka

Puntland: Qodobbada Ka Soo Baxay Kulanka 1aad Ee Madaxweyne Deni iyo Wasiirrada

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed Deni ayaa maanta markii ugu horeysay waxaa kulan la qaatay golaha wasiirrada ee dowlad goboleedkaasi.

Shirka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas iyo ku-xigeenkiisa Cabdi Xakiin Xaaji Cumar (Cameey).

Shirkan oo lagu adkeeyey inay dhammaadeen xiligii ololaha iyo kala qeybsanaanta haddana loo baahanyahay in la wada shaqeeyo ayaa qodobbadii ka soo baxay waxaa ka mid ahaa:

1. In laamaha dowladda ay si degdeg ah shaqadooda ugu noqdaan.

2. In amniga guud ee dalka la ilaaliyo, lagana hortago wax kasta oo hoos u dhac amni keeni kara, lana ilaaliyo qaan-gaarnimada iyo jiritaanka Puntland.

3. guddoomiyeyaasha degmooyinka, agaasimayaasha iyo shaqaalaha ay dib ugu noqdaan shaqadooda.

4. In aan laga faa’ideysan waqtiga kala guurka ah ee ay Puntland ku jirto, oo ah in ay ilaashadaan dowladnimadooda.

Goobjoog News

Mawduucyada:Puntland