U bood dhigaalka

Puntland: Sharci Lagu Xakameynayo Kufsiga Oo Lasoo Bandhigey

Sheeko:Dalka

Wasaaradda Cadaaladda iyo arrimaha diinta ee maamulka Puntland ayaa magaalada Garoowe ka daah furtay sharci la doonayo in loogu xakameeyo Kufsiga, waxaana munsaabadda lagu daah furayey sharcigan ka qeybgalay madaxda maamulka Puntland, Safiirka dowladda Sweden ee Soomaaliya, saraakiil ka socotey golaha garsoorka, ardey iyo marti sharaf kale.

Kahor daah furka sharcigan waxaa meel mariyey golaha wakiiladda ee maamulka Puntland, waxaana agaasimaha guud ee wasaaradda Cadaaladda Maxamed Cali Faarax oo halkaasi hadal ka jeediyey uu sheegay in  sharcigan muddo ay ku mashquulsanaayeen golaha garsoorka Puntland iyo qaar kamid ah hay’adaha Qaramada Midoobey.

Anisa C/qaadir Xaaji Muumin, wasiirka Haweenka Puntland oo iyana halkaasi hadal ka jeedisey ayaa sheegtay in shirkaan uu yahay mid muhiimad gaar ah u leh Haweenka iyo Carruurta, waxayna bogaadisey madaxdii shirkaasi ka qeybgashay.

Waxay sheegtay Anisa in sharcigan uu xakameyn doono dhibaatooyinkaa Kufsiga ee haweenka lagula kaco oo mararka qaar ka dhaca deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, C/xakiin C/laahi Cumar oo isna ka hadlay munaasabaddan wuxuu sheegay in xeerkan uu yahay mid aad u muhiim ah, maadaama haweenka ay yihiin laf dhabarta nolosha qoyska.

“Waa muhiim xeerkan, wey iska fududahay in xeer lasoo saaro, balse waxaa adag in la hirgeliyo, hay’adaha amniga iyo wasaaradda caddaaladda waxaan ka rabnaa iney u howlgalaan sidii ay xeerkan ku dhaqangelin lahaayeen” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Haddii uu dhaqangalo sharcigan lagu xakameynayo Kufsiga haweenka ayaa noqon doona mid yareeya amaba gabi ahaanba meesha ka saara tacaddiyada haweenka loo geysto ee deegaannada Puntland.

Goobjoog News