U bood dhigaalka

Puntland: Taliska Booliiska Mudug Oo Xilka Kala Wareegey

Sheeko:Dalka

Col. Cismaan Xasan Afdalow ayaa maanta xilka taliska gobolka Mudug ee Punlnad kala wareegey Cabdiwaaxid Cabdulle Warsame oo xilkaasi in muddo ah hayey.

Xafladda xil-wareejinta ayaa waxaa ka hadlay labada nin, taliyihii hore Cabdiwaaxid  Cabdulle Warsame oo goobta ka hadley waxa uu yiri “ciidanka tirsigiisa,  agabka waxa meesha yaalla ku soo dhawoow,  dadweynaha gobolka mudug,  waxaan leeyahy sidaa iila shaqeyn jirteen waa inaad ula shaqeysiin taliyaha cusub, waxaa la doonayaa inaad shaqeysaan oo wadankiisa aad u shaqeysaan  waxaa la doonayaa inaad saaciddaan ciidamada booliska,   wixii warbixinno ah iyo agab ah waad inaad ku taageertaan taa micnaheedu waxa ay tahy  inaad adinku thihiin waxaad leedihin”

Taliyaha cusub  Col. Cusmaan  Xasan Afdalow oo isna goobta ka hadley waxa uu yiri:

“Cabdiwaaxid waan kala wareegay xilka si sharaf leh iyo magac iyo maamuus leh ayuu iigu wareejiyay  aad iyo aad ayaana ugu mahad celinayaa,  si saaxibtinimmo iyo ehelnimo ayaan u wada shaqeyn doonaa,  ciidanka booliiska tuuto ayay wataan waa laga kala dhuumanayaa, dadka la rabo iney la shaqeeyaan waa daka ammaankooda la sugaayo,  waxa looga baahyany shacabka reer Gaalkacyo iney talo iyo warbixino ay soo siiyaan ciidanka.

Goobjoog News