U bood dhigaalka

Puntland: Uma Dulqaadan Doonno Daandaansiga Somaliland

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa sheegay in marnaba aanay u dulqaadan doonin daandaansi ay sheegeen in maamulka Somaliland ka wado deegaanno maamulkaasi hoostaga.

Kulan ay yeesheen wasiirada Puntland oo looga hadlay arrimo dhowr ah uguna horreeyo amniga ayaa lagu sheegay in Somaliland ay xad gudub ka waddo deegaanno ka tirsan Sool iyo Sanaag.

Qoraal kasoo baxay wasiirada Somaliland ayaa lagu sheegay in wax walbo oo dhaca mas’uuliyaddeeda qaadi doonaan maamulka Somaliland waa sida qoraalka lagu sheegaye.

“Waxaan caddeynaynaa in Puntland aanay marnaba u dulqaadan doonin daandaansiga maamulka Hargeysa uu ka wado gobollada Sool iyo Sanaag, Puntland waxay kaloo caddeenaysaa in aysan raali ka ahayn tirakoob maamulka Hargeysa ka sameeyo gobollada Sool iyo Sanaag”

Dhawaan dagaal u dhaxeeyay ciidamada Somaliland iyo Puntland ayaa ka dhacay deegaanno ka mid ah gobolka Sanaag, iyadoo weli xiisad u dhaxeysa Labadaasi dhinac laga dareemayo deegaannadaasi.

Goobjoog News