U bood dhigaalka

Puntland: Uma Dulqaadaneyno Dadka Lagu Leynayo Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Mamulka degmada Gaalkacyo ee Puntland ayaa si kulul uga hadlay falalka amni darri ee inta badan ka dhacay Waqoyiga magaaladaasi.

Maxamuud Yaasiin Tumey, duqa Gaalkacyo ee Puntland ayaa sheegay in aysan fiirsan karin dilalka iyo qaraxayada lagu leynayo aqoonyahannada iyo waxgaradka magaalada, islamarkaana ay ogyihiin cidda ka dambeysa dilalka ka dhaca Gaalkacyo.

Tumey ayaa xusay in marnaba aan loo dulqaadan karin dadka bulshada indhaha u ah, balse loo baahan yahay in tallaabo cad laga qaado dadkaasi.

“Ma dooneyno inaan waxaa iska fiirsanno, maalin walba inta dad la aaso iska soo noqonno, waxaan ognahay cidda qaraxyada fulisa, waana Shabaab oo waan garaneynaa, waxaan rabnaa saraakiisha ciidanka Soomaaliya ugu sarreysa iyo maamulka gobolkana joogo in arrintaan jawaab ka bixinno”

Dilalka qorsheysan ee inta badan ka dhaca waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa ah kuwo lala eegta dadka waxtarka u ah bulshada, iyadoo aanay jirin cid loo soo qabta.

Goobjoog News