U bood dhigaalka

Puntland: Wasiir Hore Oo u Digey Somaliland (Dhageyso)

Sheeko:Amniga

Wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocadde ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News wuxuu kaga hadlay dagaalada Tukaraq iyo xiisadda u dhaxeysa ciidamada Puntland iyo Somaliland.

Waxa uu sheegay in Somaliland ay weerar cad kusoo qaadday deegaanno Puntland ah, islamrkana ay barakiciyeen shacab aan waxbo galabsan.

Soocadde Waxa uu sheegay in mas’uuliyadda wax walbo oo ka dhaca Tukaraq iyo guud ahaan Sool ay qaadi doonto Somaliland.

Xalka dagaalka uu ku baaqan karo ayuu sheegay iney tahay oo kaliya Somaliland oo ciidamadeeda kala baxda gobollada Sool iyo Sanaag waa sida uu hadalka u dhigaye.

Sidoo kale, wasiirkii hore ee warfaafinta Puntland ayaa sheegay in dowladda federaalka ay ka gaabisay difaaca dalka, Puntland-na ay ku eegatay difaaca qaranka iyo midnimada Soomaaliya.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News