U bood dhigaalka

Puntland: Waxaan Burburinnay Saldhigyo Al-shabaab Ku Lahaayeen Calmadow

Sheeko:Amniga

Maamulka Puntland ayaa sheegay in howlgal ay ciidankooda gaarka ah ee PSF ka sameeyeen buuraha Calmadow ku burburiyeen xarumo Al-shabaab ku lahaayeen halkaasi.

Qoraal kasoo baxay PSF ayaa lagu sheegay in howlgalkan ay si gaar ah uga sameeyeen deegaannada Dhagax-dhaabur, Madarshoon iyo Ceel-qaraar oo ka tirsan buuraleyda Calmadow.

Waxay sheegeen iney gubeen goobo Al-shabaab ku keydsan jireen hubka iyo raashiinka.

“Ciidanka PSF waxay gubeen godad ay Al Shabaab ku kaydsan jireen hubka iyo raashinka isla mar ahaantana ciidanku waxay burburiyeen saldhigyo dhuumaalaysi oo Al Shabaab ku lahaayeen Buuraleyda Cal Madow” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay PSF.

Dhanka kale, qoraalkan ayaa lagu sheegay in ciidanku ay fashiliyeen miinooyin ay Al-shabaab ku aaseen waddooyinka deegaannadaasi gala.

Goobjoog News