U bood dhigaalka

Putin iyo Erdogan Oo Bog Cusub U Furay Taariikhda Labada Dal

Sheeko:Dalka

Madaxweynayaasha Ruushka Vladimir Putin iyo dhiggiisa Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta ku kulmay  St Petersburg.

Waa safarkii ugu horeeyay ee Tayyip Erdogan dalka dibadda uga baxo tan iyo markii uu dhacay inqilaabkii dhicisoobey, waana markii ugu horeysay ee labada mas’uul si fool ka fool ah isku soo hor fariistaan kadib markii Turkiga ay bishii November soo rideen diyaarad laga lahaa dalka Ruushka.

Booqashada Tayyip Erdogan waxaa faa’do badan u tahay dhaqaalaha dalkaas waayo khasaaraha lixda bil ay sanadka ugu horeeya Turkiga marka la fiiriyo faa’idad uu ka helay sanadkii hore xiligan oo kale waxaa lagu qiyaasay ilaa $737m (£567m.

Recep Tayyip Erdogan waxaa uu booqashada uga faa’ideystan in uu reer galbeedka tuso sida Ruushka uu muhiim ugu yahay Turkiga, waa guul siyaasadeed oo u soo hoyatay Recep Tayyip Erdogan.