U bood dhigaalka

Putin Oo Mar Kale Ku Guuleystay Doorashooyinka Ruushka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Ruushka Vladmir Putin ayaa mar afaraad ku guuleystay  doorashooyinka madaxtinnimo  ee dalkaasi.

Guddiga doorashooyinka ayaa sheeegay in madaxweyne Putin uu helay 76% codadka la dhiibtay ka dib markii la tiriyey.

Mucaaradka Ruushka Alexei Navalny ayaa laga mamnuucay in uu ka qeyb-galo doorashooyinka  dalka, ka dib markii lagu eedeeyay in uu lunsaday hanti dadweyne.

Dadka la tartamayey Putin ayaa waxaa ay heleen mid walba oo ka mid ah
Pavel Grodinin 12,1% oo cod, Ksenia Sukhinova codad dhan 1,5% iyo Vladimir Zhirinovsky oo isna helay 5,8%.

Goobjoog News