U bood dhigaalka

Pyongyang Oo La Rumeysan Yahay In Ay Tijaabisay Gantaal Sababay Dhul-gariir

Sheeko:Dalka

Dowladda Japan ayaa waxa ay sheegtay in Kuuriyada waqooyi uu ka dhacay dhul gariiir lagu qiyaasay heerkiisa 6.4 waxaana la sheegay in dhul gariirka uu ka dhashay qaraxyada Nukliyeerka.

Dhinaca kale, Ra’iisulwasaaraha Japan Shinzō Abe ayaa waxaa uu qadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Mareykanka Donald J Trump waxaa uuna sheegay in ay jirto  is kaashi adag taasi oo ka dhaxeysa labada dal,  waxayna tahay sidii looga hortagi lahaa xaaladda cirka isku shareereysa ee Kuuriyada waqooyi.

Shinzō Abe ayaa warbaahinta la hadlay ka dib markii isaga iyo Trump ay qadka telefoonka kuwada hadleen,waxaa uuna sheegay in ay ku heshiiyeen in la kordhiyo cadaadiska lagu hayo kuuriyada waqooyi.

Dowladda Kuuriyada waqooyi  ayaa sheegtay inay horumarisay Hubkeeda Nukliyeerka ah kaasi oo is kaga gudbayo qaaradaha.

Goobjoog News