U bood dhigaalka

Q. M : 3 Milyan Oo Qof Oo Ku Nool Congo Waxaa ay Qarka U Saaranyihiin Macluul

Sheeko:Dalka

David Beasley oo ah agaasimaha fulinta barnaamijka cuntada aduunka ee raacsan qaramada midoobay ayaa sheegay in ku dhawaad 3 milyan oo qof ay qarka u saaranyihiin macluul,kuwaas oo ku nool jamhuuriyadda dimuqaraadiga ah ee Congo.

David Beasley waxaa uu tilmaamay in boqolaal kun oo caruur ah oo ku nool Jamhuuriyadda Congo ay dhiman doonaan bilaha soo socda haddii aan kaalmo bani’aadanimo la gaarsiinin.

Waxaa uu intaas ku daray in caruurtaani ku nool gobolka Kasay lagu badbaadin karo marka hore maalgalin iyo kaalmooyin gargaar.

David Beasley oo sii hadlay ayaa waxaa uu ku tilmaamay xaaladaha bani’aadanimo ee ka taagan gobolka Kasay ee jamhuuriyadda dimuqaraadiga congo inay tahay masiibo.

Bishii Agoosto 2016 ayey aheyd markii ay ka dilaaceen gobolka Kasay rabshado,kuwaas oo ka bilowday dilka hogaamiye ku sugan gobolkaasi.

Loolanka ka jira Kasay ayaa waxaa uu keenay dhimashada in ka badan 3 kun oo qof, halka ay ku qasabtay ku dhawaad 500 kun oo kale inay ka qaxaan guryahooda, waxaana u badan dadkaan barakacay caruur.

Goobjoog News