U bood dhigaalka

Q. M: Daacish Waxaaa Ay Muusil Ka Geysatay Waxyaabo Ka Baxsan Banii’aadnimada

Sheeko:Dalka

Warbixin ay soo saartay qaramada midoobey ayaa waxaa lagu sheegayaa in ay Daacish ku kacday falal ka baxsan banii’aadnimada, falalkan ayaa waxaa la sheegayaa in ay ka dhaceen magaalada Muusil ee ay gacanta ku hayaan.

Dowladda Ciraaq ayaa bilowday dagaal ay ugu yeertay xureynta Musil, Daacish ayaa ku jirta difaaca waxa ay ugu yeertay difaaca caasimadda khilaafadeeda.

Musil waxaa ku nool in ka badan 2 Milyan, lama oga sida dadkaas ay uga badbaadi doonaan dagaalka u dhaxeeyay dowladda Ciraaq iyo Daacish.

Warbixintan waxaa ay sidoo kale sheegeysaa in Daacish ay ku kacday dil wadareed ay u geysatay shacabka iyo kooxo ka goostay.