U bood dhigaalka

Qaabka Jigjiga Loogu Soo Dhoweeyey Hoggaanka ONLF

Sheeko:Dalka

Wafdi uu horkacayo guddoomiyaha ONLF ayaa axaddii soo gaaray magaalada Jigjiga ee caasimadda dowlad deegaanka Itoobiya.

Wafdiga waxaa ka mid ahaa: Guddoomiyaha ONLF Admiral Maxamed Cusmaan, xogheyaha guud ee ururka Cabdiraxmaan Mahdi, waxaa kale oo la socday madaxweynaha cusub ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Mustafe Cumar Muxumed, xubno ka tirsan baarlamaanka iyo golihiisa wasiirrada iyo mas’uuliyiin kale, Xildhibaanka degmada Kamukunji, Nairobi Yusuf Xasan, Guddoomiyaha Garisa Cali Qorane, AMP. Maxamed Abdi Afey oo ah u qaabilsanaha UNka ee arrimaha qaxootiga geeska Afrika, Xildhibaan Axmed Xaashi oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo qaar kale.

Guddoomiyaha ONLF oo mar sii horeysay hadlayey ayaa sheegay in Jigjiga ka bilaabayaan wada hadal ay ka galaan dowladda deegaanka iyo federaalka ah oo ku saabsan siyaasadda iyo dhaqaalaha, waxaa kale oo ay qaban-doonaan shirka midnimada iyo safar ay ku tagaan gobollada dalka.

Arrimaha ugu muhiimsan ay ururka iyo maamullada ay ka wada hadli-doonaan waxaa ugu muhiimsan aayo ka talinta dadka Soomaalida.

Goobjoog News