U bood dhigaalka

Qaabka Loo Xulayo Xildhibaanada Maamulka Koonfur Galbeed Oo La Dhaliilay

Sheeko:Dalka

Waxaa soo baxaya dhaliilo loo jeedinayo hanaanka haatan loo xulayo xildhibaanada baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed iyo sida degmooyinka loogu kala qeybiyay mudanayaasha.

Guddoomiyaha deegaanka Yeed ee gobalka Bakool Cabdi Saaqid Duwane ayaa sheegay in aysan raali ka noqon doonin saamiga ay ka heleen xildhibaannada maamulka Koondur Galbeed oo uu sheegay in aad tirade loogu yareeyay.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in deegaanada Yeed, Ceelbarde iyo Aatto ay yihiin dadka ugu badan ee deggan halkaasi, islamarkaana loo baahan yahay in ugu yaraan 10 xildhibaan ay helaan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in hadda loo qoondeeyay seddex xildhibaan ay helaan baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed, taasina ay tahay mid aysan qaadan doonin, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Anaga marnaba ma aqbalayno in baarlamaanka Koonfur Galbeed ka helno Seddax xildhibaan, waxaan leennahay ugu yaraan 10, sababtoo ah deegaanno badan baan degannahay” ayuu yiri gudoomiyaha

Dhinaca kale gudoomiye Saaqid ayaa sheegay  in ay qabanayaan shir aayahooda kaga tashanayaan, kaasi oo ay ku qaban doonaan gobalka Bakool, isla todobaadkani, kuna go’aamin doonaan waxa ay arrintaan ka yeelayaan.

Xildhibaanno baarlamaanka Soomaaliya ka mid ah ayaa horay u diiday qorshaha soo xulista wakiillada Koonfur Galbeed oo hadda Baydhabo ka soconaysa.

Goobjoog News