U bood dhigaalka

Qaab Ceeynkee Ayay U Dhacday Doorashii 7-aad Ee Xiriirka Kubbadda Cagta Dalka

Sheeko:Cayaaraha

Doorashadii 7-aad xiriirka kubadda cagta dalka ayaa si wanaagsan uga dhacday magaalada Muqdisho waxaana markale hogaaminta xiriirka loo doortay Cabdiqani Saciid Carab oo horay u ahaa gudoomiyaha doorashada waxaa Cod ku lahaa guud ahaan 25-ka koox ee kubbadda cagta iyo ururada macalimiinta,ciyaartoyda iyo garsoorka oo dhamaantooda hoos imaado Xiriirka kubbadda cagta.

Waxaa madasha doorasha ku sugnaa mas’uuliyeen matalayay ha’yadda taageera horomarinta kubbadda cagta ee FIFA iyo CAF, guddoomiyaasha kooxaha,gudoomiyaasha xiriirada kubbadda cagta Maamul-Goboleedyad,Gobolka Banaadir Wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada dowlada iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay doorashadii 7-aad ee Xiriirka Soomaaliyeed.

Cabdullahi Aawoow Xuseen oo u tartamayay gudoomiye ku xigeynka labaad ee X.K.Cagta ayaa ka tanaasulay,isagoo qubad uu jeediyay ku sheegay in uu mahad celinayo madaxda xiriirka kubbadda cagta da’daalka ay ka wadaan dalka isagana si hagar la’aan uu ula shaqeyndoono.

Ibraahim Xuseen Roobe oo ahaa gudoomiyaha gudiga doorashada ayaa markii ay dhamaatay codeyntii gacantaaga waxa uu ku dhawaaqay qaabka ay u dhacday doorashada iyo sida loo kala helay jagooyinka.

Afartii sano hore ee aan joognay xafiiska waxaan ka shaqeenay dib u dhiska garoomada,balaarinta tartamada kubbadda cagta iyo ka qeyb galka tartamadda qaarada Afrika iyo in aan wada shaqeyn fiican la yeelanay Maamul Goboleedyada sidoo kale waxaa ku guulaysanay in aan dooro wacan ka ciyaarnay xiriirada kubbadda cagta qaarada Afrika ee CAF iyo kan caalamka ee FIFA”waxaa sidaas inoo sheegay gudoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta mudane Cabdiqani Saciid Carab.

Solomon Mufuzzi oo ah madax horomarinta barnaamijyada Afrika kana socday xiriirka kubbadda cagta caalamka ee FIFA ayaa sheegay wixii ka dhacay Muqdisho ay tahay fariin wanaagsan iyagana ay kaalin weyn ka qaadandoonaan horomarinta kubbadda cagta Soomaliya si wanaagsan ay ula shaqeyndoon gudoomiye Cabdi qani, ku xigeynadiisa iyo xubanaha la doortay.

Gudoomiyaha garsooryaasha qaarada Afrika ahna gudoomiyaha xiriirka kubbadda cagta dalka Jabuuti Suleymaan Xasan Waaberi oo isna wakiil ka ahaa xiriirka qaarada Afrika ee CAF ayaa sheegay in uu ku farax sanahay qaabka wanaagsan  ay u dhacday doorashada shaqsi ahaan uu taageeridoono geedi socod wanaasan ee xiriirka kubbadda cagta Soomaaaliya.

Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) oo horay u ahaa gudoomiyaha ku xigeynka 2-aad ayaa loo doortay afarta sano ee soo socota gudoomiyaha ku xigeynka 1-aad ee X.K.Cagta waxa uu sheegay in isaga shaqsi ahaan uu la imaandoono wax qabad muuqda wuxuuna hamblayo iyo mahad celin u diray qof walbo oo isaga usoo hambalyeesay markii lagu dhawaqaay in uu yahay gudoomiyaha ku xigeynka 1-aad ee X.K.Cagta dalka.

C/llahi Sheikh Nuur Axmed oo ka mid ahaa ciyaaryanahadii soo maray wadanka afartii sano ee laga soo gudbayna ahaa gudoomiyaha ku xigeynka 1-aad ayaa isna markale waxaa loo doortay gudoomiye ku xigeynka 2-aad wuxuuna sheegay in meesha iminka la joogo afarta sana ee soo socota ay wax badan iska badalidoonto kobac iyo horomarka kubadda cagta.

Gudoomiyaasha xiiirada kubbadda cagta maamul-Goboleedyada oo lagu casuumay doorshadan ayaa si wadajir u sheegay in la joogo waqtigii laga dhaqaaqi lahaa Muqdisho lana horomarin lahaa magaalooyinka kale ee dalka si ay iyagana sanadaha soo aadan kooxaha ay maamulaan ay ugu qeyb qaateyn doorashayooyinka oo kale si horomarinta kubbadda cagta ay u gaarto miyi iyo magaalo.

Waxaaa xubanaha Fullinta loo doortay oo la shaqeyndoona gudoomiyaha iyo ku xigeynadiisa Abuukar Isloow Xuseen,Cabdisamad Shiikh Qaasim,Yaxye Maxamed Abuukar,Cumar Maxamuud Nuur (Mugaambe) iyo Cabdulaahi Cusmaan Daami horayna waxa ay ugu soo qeyb qaateyn horomarinta isboortiga,balse bahda ciyaaraha ay ka war sugaya in ay la yimaadaan fikirado cusub iyo in ay dhageyestaan talooyinka horomarineyd ee ka imaanaya bulshada.

Gudoomiyaha xiriirka kubbadda Cagta aduunka ee FIFA Gianni Infantino ayaa dhambaal hambalyo ah usoo diray gudoomiyaha kubbadda Cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab oo todobaadkii hore dib loogu doortay hogaaminta xiriirka kubbadda cagta dalka.

“Mudane gudoomiye ii ogolaaw in aan kuusoo diro hambalyo diirran oo ku aadan dib u doorashada laguu doortay in aad gudoomiye kasii ahaato xiriirka kubbadda Cagta Soomaaliya mudada 2018-2022”ayuu dhambaalkiisa hambalyada ah ku yiri gudoomiyaha xiriirka kubada cagta caalamka Infantino.

“Fadlan sidoo kale iga gaarsii hambalyo saaxiibada kale ee guddiga fulinta loo doortay. Waxaan adiga iyo xubnaha lagula doortay idin rajeynayaa nasiib wacan iyo in aad ku guuleysataan howlaha idin horyaala. Waxaan kaa dhur sugayaa wada shaqeyntiina iyo in aan dhawaan kula kulmo si aan shaqsiyan mar kale kuugu hambalyeeyo”ayuu gudoommiyaha FIFA ku sheegay dhambaalka hambalyada ah ee uu soo gaarsiiyay gudoomiyaha xiriirka kubbadda Cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab.

Bahda ciyaaraha gudaha ayaa maamulka cusub ee xiriirka kubbadda cagta ka warsugaya horomaro kala gedisan oo xaga gudaha iyo dibada si dalkeena uu ula jaanqaandoono Gobolka iyo caalamka.

Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan Qaabka Ay U Dhacday Doorashadii 7-aad ee X.K.Cagta

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle