U bood dhigaalka

Qaabkee Donald Trump u Lumiyay Xulafada Mareykanka Saacado Gudahood?!

Sheeko:Dalka

Ka hor inta aanu ka tagin shir madaxdeeda G7 si uu ula kulmo hoggaamiyaha Kuuriyada waqooyi Kim Jong Un, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump waxaa uu ku faanay inuu shirkaasi guuleystay laakin saacado kama soo wareegan marka uu u lumiyay xulafadiisa gaar ahaan dalka dariska la ah ee Canad isaga oo ra’isul wasaaraha dalkaasi Justin Trudeau ku tilmaamay “mid daciif ah oo aan run sheegin’!!

Donald Trump waxaa uu bartiisa Twetterka ku qoray “iyada oo laga amba-qaadayo hadallada qaldan ee Justin Trudeau uu ka sheegay shirkiisa jaraa’id ee ganacsiga, iyo iyada oo la fiirinayo sida Canada canshuur adag ugu soo rogto beeraheenna iyo shaqaalaha iyo saxiibadeen, waxaan wafdigeyga faray in aan war-murtiyeedka G7 la saxiixn”.

Sida ay qortay jariidadda afka-dheer ee Newyork Times shirkan waxaa uu go’doon geliyay dalka Mareykanka, waxaa uuna ka saarayaa koox ay Mareykanka hormuud u ahaayeen in ka badan 40 sano, isaga oo dagaal ganacsi la galaya NATO, midowga Yurub iyo Canada.

Shirka ka hor, Madaxweynaha Mareykanka waxaa uu dalka Canada ku eedeeyay in ay gubeen aqalka cad dagaal dhcaya 1812kii, waxaana taariikhda sheegeysaa in kuwa wax gubay ay Ingiriiska ahaayeen.

Laakin sida muuqata, Donald Trump go’doominta waxba uma arko, isaga oo sheegay in dalkiisa horay u ogolaa in dalal shisheeye ka faa’ideystaan, taasi waxaa ay muujineysaa in aanu dheg jalaq u siineyn eedeymaha dibadda uga imaanaya.

Madaxweynaha Mareykanka Trump waxaa uu shirka ka hor sheegay in aanu dib ugu laabaneyn heshiiskii cimmilada iyo heshiiskii Iran, waxaa kale uu diiday inuu qafiifiyo tacriifada uu ku soo rogay birta Yurub.

Goobjoog News