U bood dhigaalka

Qaadka Miirooga oo Muqdisho Ka Soo Dagay

Sheeko:Amniga

Wasiirka beeraha dalka Kenya  Peter Gatirau Munya, ayaa sheegay in maanta oo Axad ah ay magaalada Muqdisho ay tageyso diyaaraddii ugu horeysay ee sidda qaadka Miirooga ee ka baxa dalka Kenya.

Nairobi iyo Muqdisho ayaa dhawaan kala saxiixday heshiisyo dib loogu hagaajinayo xiriirka iyo cilaaqaadka diblomaansiyadeed ee ka dhaxeeyada labada dhinac.

Wasiir Munya ayaa sheegay in diyaaraddii ugu horeysay ee qaad ka keenta Kenya ay cagadhigatay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Qoraal uu wasiirka soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitterka ayuu ku xusay in arrintan ay ku timid heshiiskii labada xukuumadood ay kala saxiixdeen.

Goobjoog News