U bood dhigaalka

Qaahira: Jaaliyadda Soomaaliyeed Oo Ka Sheeganaya Dhac, Jir Dil iyo Faquuqa Ciidamada Masar

Sheeko:Dalka

Ardey iyo xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaalida ee dalka Masar, gaar ahaan kuwa ku nool Madiinat Al-Nasri, Qeybta 1aad ayaa ka sheeganaya dhibaatooyin isugu jira dhac, jir dil iyo beegsi gaar ah oo ay ku hayaan ciidamada ka tirsan saldhigga qismu awal, arrintaas oo dowladda Masar ay wax ka qaban la’dahay.

Ciidamada ayaa si joogta u yimaada xayi caashir, iyaga oo dhac, jir dil iyo hanjabaad joogta ah ku haya jaaliyadda Soomaalida ee halkaasi ku nool, waxaa ay sidoo kale xoog ku qaataan lacago loogu talo-galay ijaar-ka guryaha, lacagta waxbarashada, biil-ka, ganacsi iyo mashaariic ay jaaliyaddu ku maal-gelineyso dalka Masar. Todobaadkan waxaa ay dhaceen ciidamada Masar lacago looga qeyb geli lahaa carwada buugaagta.

Dhibbane magaciisa ku soo koobay Cabdullahi oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay“ Xalay aniga oo jooga Xayi Caashir, waa ii timid 2 nin oo askar ah, sharciga ayey i weydiiyeen, waan tusay, kadib xoog ayey igu wadeen, meel duur ah ayey geysteen, waana i jir dileen, kadibna waxaa ay iga qaateen lacag 3,000 kun ka badan, waxaa kaloo  ay iga qaateen Mobilka iyo cardkii aqoonsiga”.

Mar aan weydiinay saldhigga tagay waxa uu ku jawaabay “Dawco waan gudbiyey, isbitaal tag ayey i dhaheen, waxaas dhan waan sameeyey, laakin haddii aan tago niyaabada rajo fiican kama qabo, waayo kuwoo iga horeeyey,  2 bil ka hor nin ayaa lacag laga qaatay 30,000 waxna lagama qaban”.

Qaar ka mid ah jaaliyadda oo iyaga oo niyad-jab ka muuqato la hadlay Goobjoog News ayaa ka sheegtay dhowr dhacdo oo xadgudub, dhac iyo jir dil ay ciidamada Masar geysteen, arrintaas oo markii ay uga dacwoodeen maamulka Masaarida aan waxbo laga qaban.

“Arbacdii hore nin Soomaali ah ayaa laga qaatay $600, mid kale oo gaari watay, waa la istaajiyey, oo waxaa laga qaatay  70,000 oo geni iyo $1,000, dhacu waa joogto”, sidaasi waxaa yiri nin magaciisa u qariyey sababo amni.

Jaaliyadda Soomaalida ee Masar waxaa ay sheegeen in dhibkaas dartiis ay qaar ka mid ah u guureen dalka Turkiga, in badanna ay hadda ku fakerayaan sidii ay hantidooda ula bixi lahaayeen.

Arrintan lama oga inay raalli ka tahay dowladda Masar iyo in kale, laakin jaaliyadda waxaa ay ammaanneen maamulkii madaxweyne Xusni Mubaarak oo xilligiisa aad loo xushmeyn jiray dadka Soomaalida ardey iyo ganacsataba, iyaga oo rajeeyey in maamulka madaxweyne Cabdi Fitaax Al-sisi uu Soomaalida ula dhaqmo walaaltinnimada ay soo raadsadeen, isla markaana uu ka qabto ciidanka tuugada ah oo laaluushka u soo raadsada, isla markaana dhacaya ardey iyo qaxooti magan u ah.

Goobjoog News