U bood dhigaalka

Qaahira: Madaxweyne Xasan oo Xarunta Al-Ahram Uga Hadlay Siyaasadda Gobolka iyo Sida Carabta iyo Dariska Isku Kaashan Karaan

Sheeko:Amniga

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku suagan dalka Masar ayaa warbixin la xiriirta xaaladda dalka iyo midda gobolka waxaa uu ka jeediyey xarunta taariikhiga ah ee daraasadda Istiraatiijiyadda iyo Siyaasadda ee Al-Ahram.

Hadal-jeedinta madaxweyne Xasan Sheekh ayaa diiradda saaratay arrimo badan oo ay ka mid ahaayeen ahmiyadda Soomaaliya ee jiquraafi iyo mid siyaasadeed iyo micnaha ay ku fadhiso xeebta Soomaaliya oo ah midda isku xirta Afrika iyo Carabta iyo weliba sida carabta ay ula noolaan karto dariskeeda.

“Nabad iyo xasilooni kama dhalan karto gobolka iyada oo aaney xasilin Soomaaliya” waxaa sidaasi khudbadiisa ku bilaabay madaxweyne Xasan.

Dhanka kale, waxaa uu madaxweyne Xasan Sheekh ka hadlay sidii loo abuuri lahaa iskaashi iyo isdhexgal gobolka ah oo ku dheehan ixtiraam “Waa in la joojiyaa kooxeysiga, taasina waxaa ay ku iman kartaa in la helo dano siman oo dhammaan qeybaha gobolka ah”.

“Waa in la xoojiyo xiriirka istaraatiiji iyo midka taariikhiga ah ee dalalka Carabta iyada oo aan la lumen xiriirka fiican ee dalalka kale ee dariska ah, lana dhowro danaha ka dhaxeeya” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey.

Booqshada Xasan ee Qaahira oo laba maalmood ku koobnayd ayaa la filayaa inuu galabta soo gabo gabeeyo isaga oo ku siijeeda dalka Tanzaniya oo ay qoyskiisu deggan yihiin.