U bood dhigaalka

Qaahira: Qodobada Ay Ka Wada Hadleen Farmaajo Iyo SISI Oo Dhameystiran

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo axaddii  booqasho rasmi ah ku tagay caasimadda Masar ee Qaahira, ayaa  madaxtooyada shir kula qaatey dhiggiisa Masar Cabdifitaax Al-sisi.

Soo dhaweyn iyo salaam sharaf kadib, Sisi waxaa uu madaxweyne Farmaajo ugu hambalyeeyay doorashadiisa, isaga oo ku dheeraaday xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, waxaa kale uu Sisi ballan-qaadey in uu Soomaaliya la garab taagan yahay taageero dhan walbo ah sida Tababarro joogta iyo deeqo waxbarasho.

Madaxweynaha Masar Cabdifitaax Al-sisi, waxaa uu ka hadlay sida dalkiisa uga go’an tahay maalgeshi in ay ku sameystaan Soomaaliya gaar ahaan Kaluunka iyo xoolaha isaga oo soo jeediyay in sanadkan inta ka dhiman ay booqashooyin heer wasiirro ah dhacaan si loo hirgeliyo iskaashi dhaqan, dhaqaale.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu ammaaney si wacan ee loo soo dhaweeyay, isaga oo sidoo kale ka hadlay xiriirka labada dal iyo sida Masar mar walbo u garab taagan tahay Soomaaliya.

Mr. Farmaajo waxaa uu Masaarida ku ammaaney kaalintooda ku aadan sida ay Soomaaliya uga taageeraan in ay mar kale dib ugu soo noqoto beesha caalamka.

Madaxweynaha Masar waxaa uu ugu dambeyntii hoosta ka harriiqay in Masaarida ay taageerayaan Soomaaliya oo federal ah oo mideysan, isaga oo ballan-qaadey in ay ka faa’ideysan doonaan xubinimadooda golaha ammaanka ee qaramada midoobey iyo kan Afrika sidii codka Soomaaliya loo maqli lahaa.

Kulankan waxaa sidoo kale ka qeybgalay wasiirro labada dhinac ah, waxaana sidoo kale looga hadlay arrimo howshooda khuseeya.

Goobjoog News