U bood dhigaalka

Qaar ka Ka Mid Ah Xildhibaanada Oo Si Weyn U Dhaliilay Xisaab Xirkii Wasaaradda Maaliyadda AY Maanta Soo Gudbisay

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamanka federalka ee Soomaaliya oo maanta ka aragti dhiibanayay xisaab xirka sanad miisaniyadeedkii 2017 oo wasaaradda maaliyadda ay soo gudbisay ayaa dalbadain misaaniyadda dib loogu celiyo wasaaradda oo ay soo faahfaahiso lacagaha baxay iyo halka lagu bixiyay.

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa sheegay inaan la heynin wax dhaqaala ah oo dalka soo galay oo lacag cadaan ah iyo wax dalka uu dhoofiyay, waxa uuna sheegay in wasaaradahu baarlamanaka ay ku tagri falaan.

” waxaa loo baahnaa marka hore catogores kii  dhaqaale ee dalka dakhligii dibadda iyo midkii gudaha wixii naga soo galay, dadka qurbaha joogaha dhaqaalihii ama ceyraha ay qaataan daqliga dalka ayeey ka mid tahay waa External Ecome oo dalka soo galay lamana hayo,waxaan dhoofinay lama hayo ,lama hayo  GDB gii lagu ogaan laha dhaqaalaha dalka, Decoment gan waa mid kala dhantaalan mana ahan Decoment gii  Baarlaman la horkeeno  waa xurmo darro Barlamanka loo halo annagu dad aan wax garaneyn maahin Barlamanku dad aqoon leh ayuu u badan yahay waana dhaqan aan ku arkay Wasaradaha midda Maaliyaddyadu ha ugu darnaato, waxaan codsanayaa inaan baarlamaan run ah aan moqono oo xisaabtamo oo waajibaadkeena aan ka baxno aan illaahey hortiisa iyo shacabka hortooda aan ugu dhaaranay ama inaan noqo Baarlaman  Xildhibaan wasiir ah uu siduu rabo naga yeelo, intuu shaqadiisii ka soo bixiwaayay waliba uu faras cade uu saaran yahay mana ahay sida ay rabaan inay naga yeelaan.

Sidoo kale Xildhibaan Zaynab Maxamed Caamir ayaa sheegtay in wasaaradda Maaliyadda ayna keenin jaawabo  cusub ayna ku jawaabeen jawaabtii hore waxa ayna sheegtay in Xidhibaanadu ay wakiil ka yihiin dhaman shacabka Soomaaliyeed.

” Xildhibaano annagu shacabka Soomaaliyeed ayaan matalnaa, shacabkuna waxa ay sugayaan inay biilashooda qaataan haday askar yihiin haddii shaqaale ama Xildhibaan uu yahay,  Xildhibaanadii nala midka ah mushaar ma qaadaneen guno ayeey qaadanayeen, Annagu waxaan ognahay dad maalin waliba qandaraasyo qaato oo maali kasto la siinayo 300.000$ ilaa 400.000$ oo la leeyahay Aqlo ayeey dhiisanayaan oo guryo qalabeestay oo wasaradda maaliyadu lacag siinayso. maxaa diiday in Xildhibaanka mushaar ku filan uu helo, maxaa diiday askartu inay helaan xuquuqdooda waa kuwa maalin waliba wadooyinka nagu qabsanaye, aaway agoontii ciidankii furumaha ku dhintay xuquuqdoodii, waxaan arkay Hooyo waayeel ah hal wiil ay dhashay uu qaranka u dhintay maxaa loo qabtay”

dhanka  kale Xidhibaan Aamina Maxamed Cabdi waxa ay sheegtay inay tahay wax laga xumaado ayadoo lamaraayo 2019 in laga hadlo xisaabxirkii 2017ka waxa ayna sheegtay in wasiirku uu si aan ha booneen uga jawaabay su,aalihii la waydiiyay.

” Misaaniyadda ku qorneyd  arrimaha Emergency aheyd waxaa lagu sheegay labo milyon doller waxaana la isticmaalay afar milyon iyo in ka badan, waxaan ognahay in lacagahaan loo isticmaalo musiibooyinka iyo waxyabaha aadka u dhibka badan, gudahana faahfaahintooda kuma qorneyn marka laga reebo, warbixin guud oo aheyd  waxaan u isticmaalnay 14kii Octobar, waxa uu ahaa qarax hal maalin dhacay oo dhib weyn naga soo gaaray, lakiin waxaa loo baahnaa faahfaahinta lacagta afarta miyon halka ay ku baxday in la cadeeyo 1 doller waliba meesha uu ku baxay ayaan u baahanay haddaan baarlamanka nahay”

Goobjoog News