U bood dhigaalka

Qaar Ka Mid Ah Askartii Ku Dhaawacantay Weerarkii Kismaayo Oo Muqdisho Loo Soo Qaaday

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah askartii ku dhaawacantay weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee shalay lagu qaaday xarunta jaamacadda Kismaayo oo lagu tababarayay ciidamo ka mid ah Xoogga dalka ayaa loo soo qaaday magaalada Muqdisho si loo daweeyo.

Askarta dhaawaca ah ayaa tiradooda waxa ay gaaraysay 20, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Jubbaland, waxaana qaarkood kale loo qaaday magaalada Nairobi, ka dib markii la sheegay in xaaladooda ay adag tahay.

Askarta dhaawaca ah ee magaalada Muqdisho loo soo qaaday ayaa la sheegay in ay ku jiraan askar dhaawacyo culus ku qaba, inkastoo dalka wax looga qaban karo.

Askarta dhaawacyada Fudud qaba iyaguna waxaa lagu daweynayaa magaalada Kismaayo, iyadoo xilliga weerarkaan uu dhacayay ay askarta ku guda jireen tababarkoodii caadi ahaa.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii shalay lagu qaaday jaamacadda magaalada Kismaayo.

Goobjoog News