U bood dhigaalka

Qaar Ka Mid Ah Dalagyada Khudaarta Oo Ka Baxay Suuqyada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Suuqayada Magaalada Muqdisho ayaa laga la’yahay qaar ka mid ah noocyada khudaarta, kadib markii aysan sanadkan soo go’in dalayadooda.

Ganacsatada ayaa sheegay in la la’yahay Liinta nooca loo yaqaan Bambeelmada iyo sidoo kale Cambaha.

Ganacsatada ayaa ku sheegay sababta ay u maqanyihiin dalagyadaan dadkii beera leyda ahaa oo ka soo barakacay deegaannadoodii iyo colaado ka jira halkaasi.

Axmed C/risaaq C/laahi oo ka mid ah ganacsatada Khudaarta ayaa Goobjoog News u sheegay in ilaa iyo hadda Suuqyada laga la’yahay dalagyada Cambaha iyo Liin Bambeelada.

“Isbedelka Suuqa Khudaarta ka jira waxaa ay ka mid tahay,Khudaarta qaar waa ay go’aday kuwa go’ay waxaa ka mid ah Cambaha iyo Liin Bambeelada maqnaashaha labadan nuuc waxaa uu saameyn ku yeeshay dadweynaha oo aad u isticmaali jiray”.

Dadka ka shaqeyn jiray dalagga beeraha ayaa noqday kuwo barakacyaal ah sidaas darteedna uu yaraaday abuurkii, waxaa ayna sababtay in dalagyo badan ay ka baxaan Suuqyada Khudaarta ee Muqdisho.

Goobjoog News