U bood dhigaalka

Qaar Ka Mid Ah Dhaawacyada Qaraxyadii Baydhabo Oo Muqdisho La Keenay

Sheeko:Dalka

Bahda caafimaadka magaalada Baydhabo ayaa xaqiijiyey in Sideed ka mid ah dadkii dhaawacyada kasoo gaaray Labo qarax oo maalin ka hor ka dhacay magaalada Baydhabo loo soo qaaday magaalada Muqdisho.

Dadkan ayaa diyaarad gaar ah waxay shalay kasoo qaadday Baydhabo, waxaana la keenay magaalada Muqdisho.

Waa dad qaba dhaawacyo xooggan kuwaasi oo wax looga qaban waayey isbitaallada ku yaalla magaalada Baydhabo.

Dhanka kale, waxaa jira dad laga saaray isbitaallada Baydhabo, kadib markii ay xaaladooda wanaagsanaatay, loona sameeyey daweyn.

Labo qarax oo ismiidaamin ah ayaa lala eegtay Hotel iyo maqaayad ku taalla magaalada Baydhabo, waxaana halkaasi ku dhintey in ka badan 10 qof, iyadoo 20 kalena dhaawacyo kasoo gaaray.

Qaraxyadan ayaa dhacay xilli aad loo adkeeyey ammaanka magaalada Baydhabo, halkaasi oo la filayo in dhowaan ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Goobjoog News