U bood dhigaalka

Qaar ka Mid ah Musharixiinta Jubbaland oo ka horyimid dalabkii Wakiilka QM

Sheeko:Baarlamaanka

Shalay  Wafdigii uu hoggaaminayay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Amb, james swan waxaa ,arkii ay tageen Magalada Kismaayo ay la kulmeen Madaxda Maamulka Jubbaland iyo iyo musharixiinta aan is diiwaangelin, iyaga oo Madaxda Jubbaland ka dalbaday in waqti kordhin lagu sameeyo xilliga doorashada,isla markaana fursad la siiyo musharixiinta mucaaradka ee aan is diiwaangelin.

Hayeeshee dalabkaas ayaa waxaa Maanta ka horymid kana soo horjeestay musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland ee horay isku diiwaan geliyay, iyaga oo sheegay in marnaba aysan aqbaleyn in waqti kordhin lagu sameeyo doorashada jubbaland.

Qoraal kasoo baxay musharixiinta is diiwaangeliyay oo ku midoobay Magaca Kudlada musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen in ay aad uga xun yihin in guddiga doorashooyinka ay ka gaabiyaan inay kala tashadaan geedi-socodka iyo hanaanka doorashooyinka xaqna ay u leeyihiin kadib markii ay soo buuxiyeen shuruudihii musharaxnimo.

Waxaa kaloo ay qoraalkooda ku sheegeen in Guddiga doorashooyinka ay sidoo kale ku dhaliilayaan in wafdiga ka socday beesha Caalamka ee tegay Kismaayo aysan la socod siin Guddigu, isla markaana ay muhiimad gaar ah siiyeen musharixiin dano gaar ah wata sida ay hadalka u dhigeen.

Ugu dambeyn waxaa ay sheegeen in Madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday ee Axmed Maxamed Islaam iyo iyaga ay u wada siman yihiin talada Jubbaland,isla markaana aysan aqbaleyn in dib loo furo diiwaangelinta musharixiinta Madaxweynaha ayna u arkayaan in lagu soo darayo dad ay sigaar ah u wataan.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeed kazoo baxay musharixiinta Madaxweynaha Jubaland ee Is diiwaangeliyay.

Goobgoog News