U bood dhigaalka

Qaar ka Mid ah Wariyeyaasha Ka Howlgala Muqdisho Ayaa Maanta Barbar Istaag Ugu Sameeyay Gudaha Muqdisho Wariye Cabdicasis Axmad Gurbiye.

Sheeko:Amniga

Wariyaasha ayaa dalbaday in xoriyaddiisa uu dib u helo tafaftiraha Goobjoog Cabdi Caziiz Axmad Gurbiye oo maalintii sedexaad ku xiran amar xeer ilaalinta Dowladda Soomaaliya. Isku imaadkaan ayay wariyaashii ka qeyb galay ku muujiyeen boor lagu soo xardhay sawirka tafaftiraha Goobjoog Media Group.

Wariyeyaasha qaarkood oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Cabdicasiis uu ku xiran yahay xabsiga dhexe isaga oo xukun la,aan ah waxaana ay codsadeen in uu helo cadaaladda loona baahan yahay in la soo bandhigo cadeeymo sax ah oo lagu heysto.

Dhanka kale waxay dalbadeen in dowladda u hoggaansanto dastuurka dalka oo ay ixtiraamto xorriyad hadalka. wariye Cabdifitaax Qeys oo ka howlgal Soomaali Cable ayaa yiri” Dowladda waxaan ka codsanaynaa in xoriyadiisa dib loogu soo celiyo oo aan lagu xadgudbin sharciga Banii’aadnimada iyo midka Saxaafadda waxaana rajaynaynaa dowladda in baaqeena ay aqbali doonto”

Halkaan ka Ka Daawo Hadaladii Laga yiri goobta.

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/234728294252742/?t=53

Goobjoog News