U bood dhigaalka

Qaar Ka Mid Ahaa Dadkii Ka Yimid Yemen Ee Boosaaso Tagay Oo Loo Amba Bixiyay Gobaladii Ay Deganaayeen (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari waxaa laga amba bixiyay 300 oo kuwaa oo ka mid ahaa dadkii horay loogu soo dhaweeyay halkaasi, kana yimid wadanka Yemen oo dagaallo ay ka socdaan.

Dadkaan oo aadaya deegaanadii ay horay u deganaan jireen ayaa gacan waxaa ka geystay in ay amba baxaan shirkadda Isgaarsiinta ee Golis Telcom Soomaaliya oo ku guuleystay in dadkii ugu horeeyay ay shalay ka amba bixiso Boosaaso.

Dadkaan ayaa loo kireeyay ku dhawaad 10 gaari oo Nooca Homey loo yaqaano, waxaana shirkadda Golis ay dadkaasi siisay Lacag Jid mar ah oo loogu dhiibayay qoys walba aabaha ama hooyada.

Dhamaan dadka shalay la qaaday ayaa u badnaa hooyooyin wata caruur yaryar iyo aabayaal qaar oo wata caruur hooyinkood geeriyoodeen iyo qaar looga soo tagay Yemen Duruufo dhaqaale Dartood waxaana  Dhammaan ay Soo aadeen Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Kale ee Dalka Soomaaliya

Intii ay socotay Howsha Ambabixinta Dadkan ee shirkad Golis Waxaa Xarunta Yimid Maareeyaha Guud ee Shirkada Golis Siciid Aadan iyo qaar ka mid ah Masuliyinta shirkada kuwaas oo Dareenkooda Muslinimo iyo
Soomaalinimo la qeybsanaya Walaalahood dhibaateysan ee la amababixinayo

Qaar ka mid ah Dadka Maanta Baxayay Ayaa wariyaasha ay Microphone-ka la dhexqaadeen iyaga oo Dareemaya Faraxad Maadaama ay adayaan Deegaanoodi iyo in ay u tegi doonan Eheladooda.

Sheekh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur Hogaanka Xiriirka Dadweynaha ee Shirkada Golis ayaa warfideyeenka la hadlay Markii si rasmi ah loo sagootiyay Dadkaas baxayay isaga oo faahfaahiyay Ambabaxinta Golis ee
Dadkan

Geesta Kalena Wasiir ku xigeenka arimaha Gudaha ee Puntland Cabdullaahi Xaashi Qoob-deero ayaa geestiisa Waxaa uu sheegay Tallaabada Golis Qaaday in ay Tahay mid ku dayasho mudan in Hal Shirkad ay Tirada intaa le’eg qaado waxaana uu baaq u diray Maamulada Deeganada ay sii marayaan Dadkan.

Xerada 300-qof maanta laga qaaday waxaa ku haray in ku dhow 700 oo kale oo u baahan gurmad qaadis ah, waxaana la qorsheynayaa in shirkado iyo Hayado kale ay iyana u qaadaan Dadkan Deegaanadoodi .
Yuusuf Cabdi Shire

Boosaso, Bari

Goobjoog News

Halkaan Hoose ka daawo Sawirada

IMG_7176 IMG_7178 IMG_7180 IMG_7082 IMG_7083 IMG_7088 IMG_7089 IMG_7090 IMG_7091 IMG_7094 IMG_7100 IMG_7102 IMG_7103 IMG_7105 IMG_7106 IMG_7107 IMG_7109 IMG_7111 IMG_7113 IMG_7114 IMG_7115 IMG_7116 IMG_7117 IMG_7118 IMG_7119 IMG_7120 IMG_7122 IMG_7123 IMG_7125 IMG_7126 IMG_7127 IMG_7128 IMG_7129 IMG_7134 IMG_7137 IMG_7139 IMG_7142 IMG_7144 IMG_7145 IMG_7146 IMG_7148 IMG_7152 IMG_7153 IMG_7155 IMG_7159 IMG_7162 IMG_7165 IMG_7167 IMG_7169 IMG_7170 IMG_7174 IMG_7060 IMG_7062 IMG_7063 IMG_7064 IMG_7065 IMG_7066 IMG_7067 IMG_7068 IMG_7069 IMG_7070 IMG_7071 IMG_7074 IMG_7075 IMG_7077 IMG_7078 IMG_7081