U bood dhigaalka

Qaar ka tirsan ergada ka qeyb galeysa shirka Kismaayo oo dhaliilo hor leh jeediyay

Sheeko:Dalka

Ergada ka qayb galaysa wajiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta dadka dega gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa wali dhaliil ka muujinaya sida uu ku socdo shirkaas maalmaha galay ee kismaayo ka socda waxaana ay sheegayaan ergooyinkaas in ay jiraan wax badan oo dhaliilo ah oo uu shirkaas leeyahay.

Horay shirkan waxaa u qaadacay hogaamiye kooxeed hore ahaana wasiirkii hore ee gaashaandhiga Soomaaliya Kornel Barre Aadan Shire (Hiirale) kaas oo sheegay in waxa kismaayo ka soconaya uu yahay habaabinta rabitaanka shacabka.

16-kii bishan ayuu madaxwayne Xasan Sheekh Kismaayo ka furay wajiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta dadka dega gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, balse waxaa isasoo tarayay ergooyin isugu jira oday dhaqameedyo iyo xildhibaano ku sugan Muqdisho oo aan la dhacsanayn sida uu u sodo shirka Kismaayo.

Ergadan ayaa u xaqiijiyay Goobjoog FM in dhowaan ay magaalada Garbahaareey ku qaban doonaan shir wayne ay uga tashanayaan arimo badan.